Barcelona ayaa guul garoonkeeda Camp Nou kaga gaadhay kooxda Atletico Madrid oo qaybta hore gool kaga hormartay, laakiin laba gool uu Luis Suarez dhaliyay qaybta danbe ayaa kooxda Luis Enrique ka badbaadisay guuldaro isla markaana ay ku gaadhay guul muhiim ah. Fernando Torres oo ahaa xidiga Atletico Madrid goolka ay qaybta hore hogaanka ku haysay udhaliyay ayaa daqiiqadii 35 aad ee qaybta hore kaadhka Cas loo taagay isaga oo laba kaadh digniin ah ku kala qaatay Neymar iyo Busquets.
Barcelona ayaa kulankii todobaad oo xidhiidh ah guul ka gaadhay kooxda Atletico Madrid waxayna guushan muhiim ah u horseeday Luis Suarez oo Barcelona ka qaaday culays badan oo ka haystay difaaca birta ah ee Atletico Madrid, laakiin labada kooxood ayaa ku kala bixi doona kulanka lugta labaad ee Calderon ka dhici doona.
Barcelona ayaa Camp Nou ku soo dhawaysay kooxda Atletico Madrid kulanka lugta hore ee Champios Leaque-ga wareegiisa sideed dhamaadka. Barcelona ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo kulankii La Ligaha guuldaro isla Camp Nou kagala kulantay kooxda Real Madrid, waxayna kooxda Luis Enrique doonaysay in ay tubta guusha ku soo laabto isla markaana ay guul ka gaadho kooxda Diego Simeone ee Atletico Madrid.
Daqiiqadii 21 aad ayay ahayd markii kooxda martida ahayd ee Atletico Madrid ayaa ka naxsaday Barcelona waxayna la timid goolka furitaanka kadib markii uu Fernando José Torres uu si deg deg ah u dhamaystiray kubbad uu ka dhex qaatay Masherano iyo Alves wuxuuna dhaliyay goolka ay Atletico Madrid sida wayn ugu baahnayd si ay xaalka ugu sii adkayso Barcelona waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Atletico Madrid hogaanka ku qabtay. Koke ayaa kubbad fiican soo daba mariyay Pique oo fursad wayn siiyay in Torres uu helo banaan fiican.
Laakiin Dqiiqadii 63 aad ugu danbayn Barcelona ayaa la timid goolka barbaraha ee ay waqtiga dheer raadinaysay waxaana goolkan ay sida wayn ugu baahnayd si ay ciyaarta ugu soo laabato udhaliyay Luis Alberto Suarez isaga oo ka faa’iidaystay kubbad uu Jordi Alba Ramos goolka A. Madrid soo hormariyay wuxuuna ciyaarta ka dhigay barbaro 1:1 ah.
Luis Alberto Suárez ayaa Daqiiqadii 74 aad Barcelona u keenay goolkeeda labaad ee ay markeeda hogaanka ciyaarta kula wareegtay, wuxuuna markan ka faa’iidaystay kubbad qurux badan oo uu Dani Alves ka soo qaaday dhinaca midig isaga oo wax fursad badbaadineed ahu diiday goolhaye Oblack wuxuuna Suarez ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Barcelona hogaanka ciyaarta kula wareegtay. goolkan ayaa ahaa goolkii 45 aad ee uu Suarez xili ciyaareedkan ka dhaliyay tartamada oo dhan.
Cayaar tuna waxay ku soo gaba gabowday 2-1 oo ay guushu ku raacday Barcelona.
PUNTLAND POST