Madaxweynaha Dawladda Puntland oo xilli habeenimo ah kula caweynaya shacabkiisa goobaha lagu qaxweeyo

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  ayaa caawa 30-March-2016 kulan casho sharaf iyo qaxwayn ah kula qaatay mid ka mid ah goobaha lagu qaxweeyo ee magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland waftigii ka socdey dawladda Turkiga ee uu hoggaaminayey safiirkii hore waddanka Turkiga u fadhiyey Soomaaliya Ambassador Dr. Kani Torun uuna ka mid ahaa Danjiraha Dawladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Olgan Bakar.

Kulanka casho sharafta oo ka dhacay Spaghetti House oo ku taalla bartamaha magaalada Caasimadda ah ee Garoowe ayaa waxaa Madaxweynaha iyo danjiraha ku wehelinayey xubno ka tirsan golaha wasiiradda dawladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Ujeedka kulanka ayaa ahaa mid lagu muujinayey nabadda iyo xasiloonida ka jirta Puntland iyo sida aan wax welwel ah looga qabin kooxaha nabad diidka ah ee gabbaadka ka dhigtay Soomaaliya, kuwaas oo dagaal adag kula jira goobaha ganacsiga iyo guud ahaan arrimaha bulshada.

Sidoo kale goobtan uu ka socdey kulanka nasashada ah ee ay wada qaadanayeen Madaxweyne Gaas iyo Danjire Olgan Bakar ayaa waxaa soo buux dhaafiyey dadweyne kale oo aad  u tira badan kuwaas iyaguna caweys u yimi goobtaasi.

Caweyska oo  qaatay muddo ka badan labo saacadood ayaa waxaa hadba goobta kusoo booqanayey Madaxweynaha iyo Masuuliyiintii kale ee kulanka ku wehelisey qaybo  kamid ah dadweynihii ka qaxwaynayey Spaghetti House, kuwaas oo Madaxweynaha ugu bogaadinayey sida uu  Madaxweynuhu uu shacabkiisa ula caweynayo.

Kulanka ayaa kusoo dhammaaday jawi deggan oo aad u heer sarreeya, intaasi kadibna waxaa uu Madaxweynuhu socod indha indhayn ah kusoo maray waddada dheer ee dhex marta faras magaalaha caasimadda Puntland ee Garoowe kadibna waxa uu kusoo laabtay hoygiisa qasriga Madaxtooyada Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_3814 IMG_3821 IMG_3826 IMG_3827 IMG_3832 IMG_3833 IMG_3841 IMG_3843 IMG_3854 IMG_3857 IMG_3862 IMG_3870 IMG_3874 IMG_3882 IMG_3888 IMG_3897 IMG_3900 IMG_3902 IMG_3905 IMG_3910 IMG_3914 IMG_3916 IMG_3917