Warbixin+Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo gaarey Degmada Jariiban ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayey oo saaka hiirtii waaberi kasoo jarmaaday magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa 23-March-2016 waxa siweyn loogu soo dhoweeyey magaalada Jarriiban ee Bariga Gobolka Mudug.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirro, Xildhibaano, Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dawladda Puntland iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dawladda Puntland, waxaana ka qayb-qaatay soodhoweynta Madaxweyna Maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada Jarriiban, odayaal dhaqameed,  xubno ka tirsan labada gole ee dawladda iyo boqollaal kamid ah dadweynaha ku dhaqan Degmada Jarriiban ee Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa soo dhoweynta kadib kulan la qaatay odayaasha iyo waxgaradka Degmada Jarriiban waxaana uu sheegay in socdaalkiisu uu ku qotomo  sidii uu ugala qayb geli lahaa ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland iyo  dadweynaha ku dhaqan degmada Jarriiban  dabaal degga ay ugu dabbaal degeyaan guulihii lama ilaawaanka ahaa ee ay ciidamada difaaca ee Puntland kasoo hooyeen kooxihii sharwadayaasha ahaa ee kusoo duuley Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in guulihii laga gaadhey dagaalkii aan la galnay kooxaha sharwadayaasha alshabaab ay sabab u ahayd midnimada shacabka Puntland islamarkaana loo baahan yahay in dadka Puntland ay kawada shaqeeyaan sidii ay siwada jir ah ugu adkayn lahaayeen Midnimada Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dagaalka ay Dawladda Puntland kula jirto kooxaha nabad diidka ah ee alshabaab uu yahay bilow isla markaana loo baahan yahay dadka Puntland in ay kaalintooda qaataan, sidoo kalena ciidamada sooma-jeestayaasha ah ee Puntland-na ay sii laba jibbaari doonaan heeggankii ay ugu jireen difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa mahadnaq ballaaran hawada u mariyey guud ahaan shacabka reer Puntland meelkastoo uu joogo, gaar ahaana ciidamada geesiyaasha ah ee jebiyey cadowgii kusoo duuley Puntland, sidoo kalena waxaa madaxweynuhu uu umahadnaqay dadka reer miyiga ee sida weyn ula shaqeeyey ciidanka isla markaana soo sheegayey geed-walba iyo goob-kasta oo ay ku dhuumaalaysanayeen kooxahaas sharwadayaasha ahi.

—DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
IMG_2881 IMG_2935 IMG_2936 IMG_2957 IMG_2958 IMG_2961 IMG_2963 IMG_2965 IMG_2969 IMG_2971 IMG_2978 IMG_2979 IMG_2984 IMG_2987 IMG_2988 IMG_2989 IMG_2992 IMG_2993 IMG_3002 IMG_3004 IMG_3005 IMG_3010 IMG_3013 IMG_3015 IMG_3018 IMG_3024 IMG_3026 IMG_3027 IMG_3030 IMG_3031 IMG_3035 IMG_3036 IMG_3037 IMG_3039 IMG_3042 IMG_3051 IMG_3052 IMG_3064 IMG_3066 IMG_3077 IMG_3086 IMG_3089 IMG_3090 IMG_3094