Bujumbura(Puntland Post)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon iyo wafti uu hogaaminayo ayaa markii ugu horaysay tagay tan intii loo doortay xilka Caasumadda dalka Burundi ee Bujumbura.
Safarka Banki Moon uu ku yimi Bujumbura ayaa kusoo aaday xili ay ka taagan yihiin Colaado tan iyo Abriil Sannadkii hore.
Banki Moon ayaa la filayaa in Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza uu kala hadlo xaalada ka taagan Burundi, isagoo uu horay u diiday Nkurunziza in dalkiisa la keeno ciidamo nabad ilaalin ah.
Xoghayaha guud ee waftigiisa ayaa booqashooda Burundi kadib booqanaya dalka DR Congo,halkaas oo Banki Moon uu kulan kula qaadan doono madaxda dalkaas.
Dhanka kale, Ban Ki-Moon ayaa lagu wadaa inuu Booqdo Toddobaadkan Magaalada Juba ee caasimadda South Sudan, isagoo la kulmi doona Madaxweynaha dalkaas, Salva Kiir iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.
Rabshadaha ka taagan Burundi ayaa ka dhashay kadib markii madaxweynaha haatan talada haya uu sheegay inuu markii sadexaad musharax yahay,waxaana midaa kasoo horjeestay mucaaradka oo sheegay inay talaabo burinaysa Dastuurka dalka.
Madaxweyne Pierre Nkurunziza ayaana diiday go’aanka mucaaradka, isagoo loo doortay madaxweyne markii sedexaad,waxaana markaa bilowday rabshado ay ku dhinteen boqolaal qof ,halka tiro intaa ka badana dalka isaga carareen.
Sawirro.

PUNTLAND POST.