Garowe-(Puntland Post)-Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa barri la filayaa inay u duulaan dalka Ethiopia,inkastoo aan si rasmi ah loo ogayn wuxuu safarkoodu ku salaysan yahay.
Gaas iyo waftigiisa ayaase socdaalkoodu kusoo aaday xili wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo xubno la socday ay Puntland ka diiday inay qaadato nidaamka 4.5 oo la sheegay in lagu salaynayo doorashada sanadkan 2016 ee Soomaaliya.
Waxaana laga yabaa in madaxda Ethiopia ay Puntland kala hadlaan arimaha doorashada iyo 4.5ka oo Puntland kasoo horjeedo,waxaanse la ogayn hadii ay kawada hadlaan arimahaas waxyaabaha kasoo bixi doono,Inkastoo Madaxweyne Gaas waraysi uu siiyey Warbaahinta uu ku sheegay in Puntland ay u banaantahay inay gor gortan ka gasho 4.5ka iyo in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do.
Hadalkaas Madaxweynaha ayaa u muuqda mid Puntland cadaadis ay kala kulmayso beesha caalamka,Islamarkaana laga yaabo in kaalmada ay ka hesho ka goosato.
PUNTLAND POST