GAROWE-(Puntland Post) Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa ka hadlay nidaamka qabiilka 4.5 kaasoo weli arrintiisu ay taagan tahay ka dib markii Xukumadda Cabdiweli Cali Gaas ay diideen in lagu saleeyo aqalka hoose.
Juxa oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Radio Garowe ayaa marka hore ka waramay heerarkii uu soo maray nidaamka 4.5 iyo sababaha keenay inuu dib ugu soo laabto 2012, wuxuna tilmaamay in laga fursan waayay balse hadda loo baahan yahay in laga gudbo, waxa uu madaxda Puntland ugu baaqay inay talada nidaamkaasi looga hadlayo la balaariyo dood adagna laga yeesho.
”Madaxwaynaha waxaa laga filayaa marka hore inuu taladda balaariyo oo Baarlamaanka,xukumadda iyo dhaqanka horgeeyo si looga yeesho dood, waxaan ka digayaa in dowladda Federaalka ama beesha caalamaka si deg deg ah arrintan usoo dhex gasho oo ay ka dabo timaado waxay wax u dhimaysaa in reer Puntland ka bogteen dooda maanta dhex taala” Sidaasi Juxa ayaa yiri.
Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in lasoo tijaabiyay nidaamka 4.5 isla markasna lasoo ogaaday inuusan Soomaaliya horumar gaarsiin karin loona baahan yahay in hadda laga gudbo, waxa uu soo jeediyay in hadda Puntland u taalo inay ka tashato arrimaheeda gaarka sida xoojinta ammaanka iyo dhaqaalaha.
Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa wadda dadaalo ku saabsan sidii go’aan iyo dood looga yeelan lahaa nidaamka 4.5 oo hadda dowladda Federaalka ku jaan goysay in lagu saleeyo aqalka hoose ee Baarlamaanka lasoo xulayo 2016.
PUNTLAND POST