Boosaso-(Puntland Post)-Jaamacada caafimaadka ee university of bosaso medical centre ayaa maanta lagu daah furey hoolka shirarka ee hotel Gaceyte Ee Magalada Bosaaso
Waxaana kasoo Qeybgalay qaar kamid ah golaha wasiirada Puntland,isimo,Siyaasiyiin bahda wax barashada,haweenka iyo maamulka gobolka bari.
jaamacadan ayaa lagu baran donaa Barshada Cilmiga Cafimaadka ardada dhamesata jamacadaan ayaa waxay ka shaqeyn donaan isbitaal casri ah oo ay ledahay jamacadaan waxana uu noqonayaa isbitaalka ugu weyn geeska afrika oo ay ku bixi doonto lacag kabadan 25 Milyan.
Ugu Horeyntii ayaa xafladaas waxaa si faah faahsan ugu warbixsisay Qaali Sicid Shabelle Oo Ah Gabar ka timi dalka marekanka waxayna go’aansatay in ay Puntland ka hirgaliso jamacad iyo isbitaalka ugu weyn geeska afrika.
Dhinaca kale Waxgaradka isimada iyo siyaasiyiin ayaa dhamantood ugu hanbalyeyay Qaali siicid Shabelle gesianimada ay ku qadatay in dalkeda ay ka hir galiso jaamacadan Magalada Bosaaso iyagoo shegay in ay mudantahay in lagu daydo Qali siciid Shabele .
Siyasi Cali Cabdi Awaare oo Qaali siciid u ahaa macalin ayaa shegayin in ay mudantahay in lagu dhiri galiyo oo lasoo dhoweyo baranamijka ay latimi waxaana uu shegay in ay tahay qof nafteda uhurtay in ay dalkeda dib ugu soolaabato oo ay ka samesato, jamacada iyo isbitaal taas oo uu shegay in mamulka iyo cidkasta laga donaayo in ay dor ka qadato garab istaga Qaali siciid shabele oo ubahan in la dhirigaliyo.
Gudooomiye ku xigenka gobalka bari Axmed cali cabdulahi Cirro ayaa shegay ka mamul ahaan in ay door weyn kaga qadan donaan garab istaga jamacada iyo isbitaalka
Wasiirka wasarada dulista hawada Puntland iyo wasirka dakadaha Puntland ayaa shegay in qurba joogta lago bahan yahay in dalkoda ay ku soo laabtaan sida Qaali oo kale Waxayna shegeen in hada puntland ay cagta sartay wada hormarka waxaa laga hirgaliyay garoonka diyaradaha magalada bosaaso waxa qurba jogta loga bahan yahay in ay dalkoda ku solaabtaan, Ayuu Ka sheegtay Madasha Wasiirka Deegaanka.
Sikataba ahaahtee jamacadan iyo isbitalkaan ayaa noqonayaa isbitalka ugu weyn geeska afrika waxana magalada bosaaso ka hirgalisay Qaali siciis shabeele oo dalka marekanka wax ku soo baratay iadoo go’aansatay in bosaaso laga hirgaliyowaxbarsho tayo leh iyo isbitaal aad weyn oo ay shacabka Puntland aad ugu bahnayeen
SAWIRRO :

Puntland-Post
Xafiiska Boosaso