Baarlamaanka oo maanta ka doodaya Sharciga Qaxootiga

Muqdisho-(Puntland Post)-Xildhibaananda baarlamaanka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa guda geli doona akhrinta koowaad ee Hindise sharciyeedyada Xanaanada xoolaha iyo sharciga qaxootiga.

Xildhibaan Maxamed Cumar Hab-dhowraha golaha shacabka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in kulanka baarlamaanka ay horyaalaan labo ajande oo kala ah akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xanaanada Xoolaha iyo akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka Qaxootiga.

Xildhibaanka ayaa xusay in labada sharci ay muhiim u tahay dalka, iyadoo kan qaxootiga uu qeexayo in nidaam loo helo qaxootiga Soomaaliyeed ee daadsan caalamka, isagoo xusay in Xildhibaannada marka ay akhrinta dhamaato ay ka dhiiban doonaan fikradahooda ku aadan wax ka badalka sharciyada baarlamaanka la horkeenay.

PUNTLAND POST