RW oo sheegay in la baarayo duqaymaha Kenya

Muqdisho-(Puntland Post)-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in dowladdu baarayso duqaymaha la sheegay in ciidamada Kenya ka gaysteen gobolka Geddo.

Wixii ka dambeeyey Weerarkii Alshabaab ku qaadeen Ceel-cadde,waxay dadka deegaanadaas ay sheegeen in ciidamada Kenya ay diyaaradu ku duqeeyeen dadka Shacabka ah.

“Waan kala hadalnay Kenya inay joojiso duqeymaha ay ka wado Gobolada Wadanka qaarkood, waxaana arrintaasi u xil saarnay Guddi soo qiimeeya duqeymaha ka dhacay Gobolka Gedo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha Somaliya.

Guddiga xaqiiqo raadinta ah ayaa tagi doona Ceel-cadde oo la sheegay inay duqayntu ka dhacday, waxaana hogaamin doona Wasiirka Gaashaandhigga.

Hadalka Ra’iisul wasaraaha ayaa jawaab u ah dhaleecayn ay dowladda u jeediyeen shacabka deegaanadaas, waxayna sheegeen inay ka gaabisay wax ka qabashada duqaynta Kenya.

PUNTLAND POST