Kulan looga hadlayey hormarinta gobolada Jubbaland oo lagu soo gaba gabeeyey Kismaayo

Kismaayo-(Puntland Post)- Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyey kulan looga hadlayey hormarinta sadexda gobolka ee Jubbaland.

Kulanka oo socda labadii bari ee laso dhaafay waxaa ka qayb galay maamulada gobolada iyo degmooyinka,maanta oo lasoo gaba gabeeyey waxaa joogay madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag,wasiirka arimaha gudaha iyo Amniga Maxamed Faarax Darwiish, ku xigeenkiisa Cabdirashiid Janaan,Gudoomiyaha Gobalka Jubbada Hoose Cabdirashiid Gooni,Gudoomiyaha Dagmada Kismaayo Ibraahin Timajilic.

Muhiimada kulanka ayaa ahayd sidii wadajir looga wada shaqayn lahaa amaanka iyo hormarka Jubbaland intuu kulanku socda aya sidoo kale laga wada hadlay sidii maraashiicda horamrineed loo gaarsiin lahaa deegaamada oo dhan.

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga Maxamed Faarax Darwiish ayaa sheegay in kulankan uu qayb ka qaadanayo sidii loo xoojin lahaa Amaanka Jubbaland, islamarkaana gudoomiyayaasha gobolada ay isugu keeneen in laga wada shaqeeyo hormarka.

Madaxweyne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Cabdullaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag oo kulanka soo xiray ayaa tilmaamay in madasha laysugu keenay gudoomiyayasha gobolada ay muhiimad gaara u leedahay Jubbaland, waxaa uuna sheegay inay xoojinayso wada shaqaynta dowladda iyo masuuliyiinta gobolada,isagoo umahad celiyey wasaaradda arimaha gudaha iyo Amniga oo kulanka soo qaban qaabisay.

Sawirro.

DSCN1464 (1)

DSCN1466

DSCN1468

DSCN1475

DSCN1479

DSCN1483

DSCN1485

DSCN1487 (1)

DSCN1487

DSCN1510

PUNTLAND POST.