Arday ka tirsan Qaxootigii ka yimi Yemen oo deeq waxbarasho la siiyey

Muqdisho-(Puntland Post)- Arday ka tirsan Qaxootigii dhawaan ka yimi Yemen oo kusugan Muqdisho ayaa loo dhisay deeqa waxbarsho,waxaana siiyey mu’asasada Shariif Qulateen.

Maamulka Mu’asasada ayaa ku wareejiyey xaruntii ay wax ku baran lahaayeen iyo agabkii waxbarasho safiirka Yemen ee Soomaaliya,150 arday ayaa la sheegay inay wax ku baran doonaan goobta oo ka tirsan Qaxootiga ka yimi Yemen.

Caamir Axmed Maxamed Jakayti Guddoomiyaha Mu’asasada ayaa sheegay in waxbarasho lacag la’aana ugu deeqeen Arday ka tirsan Qaxootigii dhawaan kasoo cararay dagaaladii Yemen oo kusugan Muqdisho.

Safiirka  Yemen ee Soomaaliya Maxamed Shaa’if iyo Xuseen Saalim oo ah madaxa Jaaliyadda Soomaalida Yemen oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa umahadceliyey Mu’asasada Qulateen,waxayna shacabka Soomaaliyed ka codsadeen inay dhankooda caawiyaan dadka Qaxootiga ah ee ka Yimi Yemen.

Sanadkii hore ayey ahayd markii Qaxooti ka soo cararay dagaaladii Yemen ay soo gaareen Bosaso,waxaana qaarkood loo gud biyey Koonfurta Soomaaliya oo ay kasoo jeedeen,deeqda waxbarasho ee lasiiyey kuwa Muqdisho ayaa kusoo aaday xili dhawaan ay cabasho ka muujiyeen waxbarashada,Caafimaad iyo nolosha kale.

PuntlandPost.com.