Nin ayaa laga “sheegay maanaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa”.
Magaallada Garoowe ee caasimada Puntland maalmihii ugu danbeeyey waxaa ka jiray cabashooyin ku aadan shirkadaha korontada iyo biyaha oo la sheegay inay dadka dhiig miiraan, iyadoo sida wararku sheegayaan dad badan u adkaysan waayeen magaaladana uga qaxeen.
Arrintani ma dhabbaa mise duur-xul baa jira?
Dhabnimada
Shirkadda korontada ee National Energy Corporation of Somalia (NECSOM) ayaa la sheegay inay ugu jabantahay dhirkadaha korontada ee Puntland ka jira marka qiima ahaan la barbar dhigo shirkadaha korontada Puntland ka jira, hase ahaatee waxaa inta badan iyadana lagu dhaliilaa in shirkaddu dadka qasab kaga dhigto saacado tayo ahaan liita (meter reader) oo si khaldan wax u xisaabiya isla markaasna ay diiday in qofkii heli kara macaamisha uu keensado saacad uu leeyahay. Dhinaca kale waxaa iyagana jira fiilooyin ay qaybo mid ahi ay diiran yihiin korontada khasaariya, waxaana taasi keentaa in mararka qaarkood ay cillado farsamo aawgood kor u kacdo aqrinta ay muujineyso saacadda, isla markaasna aysan shaqaalaha korontada ama aqoon ahaan aysan fahmeyn ama aysan waxba ka qaban kareyn.
Marar badan dadka macaamisha waxay ka eed sheegtaan inaan jawaabo waafi ah laga siin dhibaatooyinka ay ka cabanayaan isla markaasna aysan jirin mas’uuliyad iyo kaalin ay leedahay wasaaradda Tamarta Puntland ama xafiis loo dacwoodo oo la xisaabtama NESCOM.
Shirkadda biyaha Nugal Water Company (NUWACO) ayaa iyana tayo ahaan si weyn loo dhaliilaa waxaana inta badan la sheegaa in isticmaalka biyaha iyo qiimuhu aysan is lahayn, waxaana loo sababeeyaa in tuubada oo aan biyo ka imaanayn oo howo keliya ka soo baxayso saacadduna si xawaare ah ay ku socota ama tuubadu dilaac yar samayso si tartiib ah biyuhu dhulka u galaan ,dhamaadka bishana uu yimaado kharash lama filaan ah, khasaarahaasna waxaa dusha loo saaraa macaamisha danyarta ah. Waxaa macaamisha qaarkood sheegaan iyagoo aan bil biyo badan isticmaalin in biil tiro badan lagu soo dalaco.
Marka aan xaqiiqda la iska indha tirayn shirkadaha biyaha iyo korontadu iyadoo aan la weyddiisaneyn axsaan haddana sida ay u shaqeeyaan waa nidaam la heer ahayn nolosha iyo guud ahaan dhaqaalaha mujtamaca ay u adeegayaan, waxaana si sahlan isha u qaban kartaa in shirkadahan aysan qiimeyn ku sameyn xaaladaha dhaqaale iyo suuqa deegaanka ay adeegga siinayaan, taasina waxay dhaawacday macaamishii oo ku go’doomay xayndaab adeegyadiisu u egyihiin inay sharci darro yihiin (Contraband) oo uusan lahayn nidaam maamula, culayska oo oo dhanna wuxuu dushooda saaranyahay macaamiisha Dan-Yarta ah, ee dakhliga u badan uu ka soo galo qaraabo bannaanka ka soo caawisa iyo askari bishii $100 ka qaata dowladda Puntland.
Arintaan ayaa sababtay qaylo dhaan aan damayn, oo inta badan keenta ganacsiyo xirma iyo qoysas guura. Waxaa arrin cajiiba ah oo in shirkadahaas lagula xisaabtamo ay tahay inaysan jirin innaba ha yaraatee iyadoo ay qaylo dhaantaas jirto inaysan waxba ka qancin macaamiishooda iyo guud ahaan dad-weynaha magaallada Garoowe ku nool, taasina waxay ceeb ku tahay maamulka Gobolka Nugaal iyo Degmmada Garoowe oo ay ahayd inay qaadaan talaabooyin laga wareysanayo xaalladaha jira iyo waxa is bedelay, waxaa kaloo ay arrintan sumcad xumo ku tahay inaysan soo faro gelin wasaaradaha Tamarta iyo maaliyadda Dowladda Goboleedka Puntland iyadoo guud ahaan ay muujineyso mas’uuliyad daro dhameys tiran.
Shirkadahan ayaa waxaa la gudboon dhowr arrimood ay ka mid tahay inay qiimaha ku jaangooyaan dhaqaalaha dadka (standard life) si ganacsigan hantida lagu maal geliyey uu horay ugu socdo.
Waxaa iyana muhiim ah in tayada shaqaalaynta kor loo qaado si cabashooyinka looga jawaabo, shaqaaluhuna xirfad ay u leeyihiin meelaha dacwadu ka timid in si hufan loo baaro, taasina waxay bad baado u noqon kartaa jitaanka ganacsiga.
Duur-xul!
Marka laga hadlayo magaalo madaxda Puntland ee Garoowe waa magaalo aan la kala lahayn si simanna loogu wada nool yahay (cosmopolitan city). Waxaase jira kooxo abaabulan oo iyagana dano siyaasadeed ka dhex arkay dhibaatada shacabka ka haysata arrintaas kuwaas oo iyagana dantooda ka arkay in xiisadda cirka lagu shareero oo si ula kac ah cambaar aysan istaahilin dusha uga tuuraya magaalada Garoowe iyo maamulkeeda, iyagoo gabbaad ka soo dhiganaya hadba qodobkii markaas taagan.
Laba kooxood ayaa hadda ugu cadcad, kooxi waa kuwo ku fashilmay siyaasadda fursadna u arka oo keliya eedeynta iyo inay dhaliilaal maamulka Puntland, waxayna inta badan adeegsadaan ereyo hadaaq u badan “magaaladdii waa laga qaxay dhibta dhacdayna waxaa sabab u ah Deni iyo dawladdiisa tayada xun“. Kooxdani waa koox siyaasadeed xumida ay u dheertahay inay kala qaybiso bulshada, iyo inay iska hor keento maamulka iyo dad-weynaha.
Dhanka maamulka Puntland
Dad ayaa ku andacooda inaysan dawladdu bixin wax kab ah (subsidy) balse maamullada shirkaduhu waxay iska indha tirayaan guud ahaan in labadan shirkadood ay ka unkameen qalabkii iyo dhulkii dhisnnaa ee dadweynuhu lahaayeen. Waxaana xusid mudan in shirkaduhu adeegyada ay hayaan uu yahay mid hoos tegayaan maamul nidaam dowladeed, wax kasta oo is bedel ah oo lagu sameynayana haddii ay tahay xag ganacsi, ama is bedel xagga tayada ama horumarinta ahna ay tahay in laga talo geliyo hay’adaha dowladda ee ku shaqo leh, taasi waxay meesha ka saareysaa inay abuurmaan iska hor imaadyo iyo qaylo-dhaanta maanta taagan oo kale.
Waxaa iyadana Dowlad Goboleedka Puntland la gudboon inaysan fududeysan dhacdooyinka noocaan oo kale ah indho furanna kula socoto tabashooyinka dad-weynaha iyo inaysan ku soo dhuuman kooxo dano gaar ah leh oo sida hadda dhacday oo kale aan xasiloonnida dad-weynaha wax loo dhimin. Maamulka Gobolka, Hay’adaha ammaanka iyo dhammaan cid kasta oo ay khuseysana waxaa waajib ku ah inay baaraan wixii dhacayay maalmihii la soo dhaafay, iyo inay soo helaan isla markaasna ay jawaab ka siiyaan dad-weynaha….maxaa dhacay?! Ma koronto la’aan baa laga qaxay mise wax kale baa jira?! Maxaa qaraoon? Maxaa maamulka waxa dhacay ee meel kasta gaaray uga aamusanyahay?! Hashu maankayga gadayee ma masaar bay liqday?!!
