PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Madaxweyne Deni oo dhagax-dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

Share

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta dhegax-dhigay mashruuc ballaaran oo lagu dhisayo laguna casriyeynayo garoonka diyaaradaha ee Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay maalgashanayso ganacsato.

Mashruuca ayaa la sheegay in uu ka kooban yahay dhismaha dhabbaha diyaaradaha (Runway) oo dhan 3.5 km, terminalka rakaabka, ​xarumaha maamulka & dab-damiska iyo xayndaabka amniga, waxaana ku baxaysa lacag dhan 17 milyan oo doolar.

“Horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaan garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo waddooyinka, waa laf-dhabarta horumarka iyo isku-filnaanshaha dalkeenna. Maanta waxaynu halkan u taagannahay inaan bilowno waji cusub oo garoonka Gaalkacyo uu ku yeelanayo adeegyo casri ah oo u dhigma kuwa caalamiga ah,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

​Munaasabadda dhegax-dhigga waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha kala duwan ee Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, saraakiil ciidan, odayaasha dhaqanka, ganacsato, iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada.

PUNTLAND POST