PUNTLAND POSTPuntland Post
Warka

Xasan Sheekh oo Muqdisho ku martiqaaday Museveni

Share

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalda Muqdisho ku martiqaaday madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay in uu aqbalay martitaadka, iyada oo aan la shaacin taariikhda martiqaadkaas.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni ku martiqaaday inuu booqasho ku yimaado Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal ka soobaxay Villa Somalia.

“Martiqaadka si farxad leh ayaa loo aqbalay, taariikhaha booqashadana waxaa la isku raaci doonaa iyadoo loo marayo habka diblomaasiyadeed” ayaa la raaciyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa shalay afar saacado qaatay ku tagay dalka Uganda, isaga oo  kulan la qaatay madaxweynaha dalkaas Yoweri Museveni.

Labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyada oo madaxweyne Museveni uu u sheegay Xasan Sheekh in uu talada dhulka dhigo, islamarkaana aqbalo guddi shaqo oo qabta doorasho la wada ogolyahay.

PUNTLAND POST