Madaxweynaha maamulka Galmudug Liibaan Axmed Xasan ayaa ku dhawaaqay golihiisa wasiirrada, waxaana liiska ka soo muuqday Cabdiqaadir Cali Warsame oo ahaa wasiiru-dowlaha wasaaradda cadaaladda Puntland.
Cabdiqaadir Cali Warsame oo hadda ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa loo magacaabay wasiiru-dowlaha maamliyadda iyo dakhliga maamulka Galmudug, iyada oo uusan weli si rasmi ah isaga casilin xilkii uu ka hayay Puntland.
Cabdiqaadir Cali Warsame oo ka soo jeeda degmada Saaxo ee gobolka Mudug ayaa noqotonaya mas’uulkii ugu horreeyay Puntland oo u wareega dhanka Galmudug.
Maamullada deriska ah ee Puntland iyo Galmudug ayaa 10 sano ee u dambeeyay waxaa ka dhexeeyay iskaashi, iyaga oo si wadajir ah uga ka wada shaqeeyay xasilloonida gobolka Mudug iyo kan magaalada Gaalkacyo.




PUNTLAND POST
