Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire ayaa maanta degmada Carmo ee gobolka Bari ka dhagax-dhigay dhismaha 500 oo guri, goobo waxbarasho, caafimaad iyo xarumo kale oo ay yeelan doonaan Ciidanka Booliiska Puntland iyo qoysaskooda.
Mashaariicdan ayaa la sheegay in uu ka mid yahay 2,500 oo guri oo sanadka 2027 laga hirgelin doono deegaannada Puntland, kuwaas oo la doonayo in lagu taageero Ciidanka Booliska Puntland iyo qoysaskooda.
Taliye Muumin ayaa sheegay in dhismaha guryahan uu yahay mid ka mid ah qorshayaasha mudnaanta leh taliska, isaga oo tilmaamay in daryeelka ciidanka, hagaajinta noloshooda iyo wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan ay muhiim u yihiin horumarinta iyo tayeynta ciidanka.
Mashruucan ayuu sheegay in ay iska kaashan doonaan dowladda Puntland iyo hay’ado caalamiya, islamarkaana wajiga koowaad laga hirgelin doono degmada Carmo ee goboka Bari.
PUNTLAND POST
