
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wixii hadda ka dambeeya ay ragga iyo haweenka isku meherin karaan oo keliya garsoore ama wadaad ka diiwaangashan Wasaaradda Caddaaladda.
Wasaaradda Caddaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay habraac qeexayaa shuruudaha iyo nidaamka diiwaangelinta qof wax meherinaya (ma’duunka) iyo fulinta guurka.
Habraaca guurka waxaa ka mid ah in labo qof oo kasta oo isguursanaya looga baahan yahay dokumenti aqoonsi oo rasmi ah iyo in haystaan warqad caafimaad oo ay soo saartay xarun caafimaad oo la aqoonsan yahay.
Dhanka kale qofka la siinayo aqoonsiga wax guurinta (ma’duunka) waxaa lagu xiran shuruudo ay ka mid yihiin in uu haysto shahaado jaamacadeed oo ku saabsan Culuumta Sharciga ama wax u dhigma.
Puntland ayaa dhawaan soo saartay habraac ka mid ah, iyada oo sheegtay in uusan wax maherin karin qof aan shahaado ka haysan Wasaaradda Caddaaladda.
PUNTLAND POST