Puntland: Mushaar ma qaataan shaqaalaha dowladda

Puntland ayaa sheegtay in aysan muddo wax mushaar ah qaadan shaqaalaheeda, islamarkaana ay ka welwelsan tahay in ay shaqooyinka ka taagan.

Wasiirka iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Puntland ayaa sheegay in aysan jirin mushaar shaqaalaha dowladda tan iyo bilowgii dagaalkii Calmiskaad, iyaga oo muujiyay cabsi ay ka qabaan in shaqaalaha dowladda ka qataan shaqooyinka.

Mas’uuliyiinta wasaaradda shaqada oo ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen guddiga arrimaha bulshada ee baarlamaanka Puntland waxay intaas ku direen in waajibaadka mashaarooyinka uu saaran tahay wasaaradda maaliyadda Puntland, islamarkaana aysan iyagu wax ka qaban karin caqabadan.

Inta badan shaqaalaha iyo ciidamada Puntland ayaa ka cowda xuquuq la’aan, iyada oo mas’uuliyiinta ay arrintaas quseyso sheegaan in dowladda ay saaran yihiin culeys arrintaas sababay oo ay ka mid tahay la dagaalanka argagixisada.

PUNTLAND POST