Wasaarada waxbarashada Puntland oo jebisay wareegto uu soo saaray madaxweyne Deni

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa wargelin ay soo saartay ku sheegtay in tartan loo galayo guddoomiyaasha waxbarashada heer iyo kormeerayaasha waxbarashada heer gobol, iyada oo aysan jirin warqad lagu baddelay mas’uuliyiintii shaqadaasi hayay.

Wasaaradda waxbarashada waxay jebisay dikreeto madaxweyne Deni hore wasiirada ugaga joojiyay in ay shaqaalaha wasaaradaha eryi karaan ama kuwa cusub boosaskoodii ku qoran karaan.

Dhanka kale xogo hoose ayaa sheegaya in wasaaradda waxbarashada Puntland ay u diyaarsan yihiin liiska shakhsiyaadka cusub ee baddelaya guddoomiyaasha waxbarashada heer gobol iyo hormeerayaasha waxbarashada heer gobol, xilli ay baahisay in tartan loo galayo boosaskaas.

PUNTLAND POST