
Puntland ayaa sheegtay in ay dishay labo xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo miinooyin ku aasayay agagaarka deegaanka Galgala ee buuraleyda Calmadow ee gobolka Bari.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay Puntland ayaa laguyiri “ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa howlgal guuleystay ka fuliyay agagaarka deegaanka Galgala ee ku yaalla buuraleyda Calmadow, halkaas oo ay ku dileen labo xubnood oo ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab”.
“Raggan la dilay ayaa ku guda jiray in ay miinooyin ku aasaan waddooyinka iyo deegaannada ku xeeran Galgala, iyaga oo khatar ku ahaa nabadgelyada shacabka iyo dhaqdhaqaaqa ciidanka” ayaa la raaciyay.
Howlgalka wuxuu yimid, xilli ay shalay agagaarka Galgala miino kula kacday gaari ay wateen ciidan ka tirsan Puntland, taas oo sababtay dhimashada hal qof iyo labo kale.
Puntland ayaa sheegtay in ay isku diyaarinayso howlgal Onkod ee lagula dagaalamayo ururka Al-shabaab ee ku dhuumaalaysta buuraha Calmadow.
PUNTLAND POST