Xal laga gaaray shaqaaqadii Qardho

Dowladda iyo waxgaradka ayaa xal ka gaaray shaqaaqadii todobaadkii hore ka dhacday magaalada Qardho, kaddib kulamo ay lahaayeen maalmihii la soo dhaafay.

Taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Puntland Gen. Cabdiqaadir Jaamac Dirir ayaa sheegay in la dhammeeyay shaqaaqadii Qardho, isaga oo si gaar ah ugu mahadceliyay odayaasha iyo waxgaradka ka qaybqaatay arrintaas.

Dhanka kale waxaa magaalada Qardho ka dhacay shir ay yeesheen mas’uuliyiinta dowladda, kaas oo si gaar ah diiradda loogu saaray dhacdadii toddobaadkii hore ka dhacday magaalada, iyada oo saraakiisha amnigu ay ku adkeeyeen bulshada muhiimadda ay leedahay ilaalinta amniga iyo u hoggaansanaanta awaamiirta ciidamada amniga.

Mas’uuliyiinta waxay sidoo kale caddeeyeen in howlgallada amniga laga fulin doono guud ahaan gobolka Karkaar, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida bulshada.

Shirka waxaa ka qaybgalay taliye ku-xigeenka labaad ee booliska Puntland, taliyaha qaybta booliska gobolka Karkaar, taliye ku-xigeenka ciidanka asluubta, taliyaha ciidanka madaxtooyada, guddoomiyaha gobolka, duqa degmada iyo mas’uuliyiin kale.

PUNTLAND POST