Maxaa looga hadlay kulankii isimada Daarood ee Nairobi?

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka hadlay kulan ay shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku yeesheen inta badan isimada dhaqanka beesha Daarood.

Garaad jaamac ayaa sheegay in kulankaas looga hadlay xaaladda guud ee dalka iyo xaaladda deegaannada ay ka soo jeedaan, isaga oo xusay in ay isku raaceen hirgalinta arrimo badan oo hortebin u leh deegaannada ay ka soo jeedaan.

Garaad jaamac ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “kulanka oo ahaa isxogwaraysi waxaanu odayaasha iska xogwaraysanay xaaladda guud ee dalka iyo deegaannada aanu odayada dhaqan u nahay, iyada oo la isku raacay hirgalinta arrimo badan oo deegaannada hortebin u leh”.

Dhanka kale isimada Daarood ee Nairobi ku sugan ayaa lagu wadaa in ay dhawaan yimaadaan Puntland, islamarkaana magaalada Badhan kaga qeybgalaan shir nabadeed oo halkaasi lagu qaban doono.

Isimada oo ajiibay baaqii suldaan Siciid suldaan Cabdisalaan ee nabadeynta beelaha Sanaag waxay marka hore iman doonaan Garoowe halkaasi oo ay uga sii gudbi doonaan magaalada Badhan.

PUNTLAND POST