Xaalad bani’aadanimo oo daran ayaa ka jirta deegaanka Godob-yar oo ka tirsan degmada Buurtinle ee gobolka Nugaal, kadib markii ay halkaas ka da’een roobab gaystay fatahaad.
Dadka ku nool tuulada Godob-yar ayaa ku barakacay fatahaada kadib markii ay guryahoodii buux dhaafiyeen biyo ay keeneen roobab muhiiigaan ah oo maalmihii la soo dhaafay ka da’ay deegaankaas.
Dadka deegaankaas waxay sheegeen in aysan haysan cunto, hoy iyo dhar, ayna joogaan banaanka tuulada oo ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah oo lala soo gaaro.
Sidoo kale waxay sheegeen in deengaanku go’doon yahay oo waddooyinka go’an yihiin, islamarkaana aysan deegaanka waxna ka bixi karin waxna soo geli karin.
Fatahaada Godob-yar waxay keentay in musqulihu dumaan oo bulaacadaha iyo biyaha tuulada dhex jiifa isku darsamaan, taas oo sababi karta cuduro ka dhasha deegaankaas.
PUNTLAND POST