
Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa sheegay in ay qabteen saddex doonyood oo si sharcidarro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland, kuwaas oo laga leeyahay dalka Iiraan.
Doonyaha ayaa lala qabtay in ka badan 60 qof oo ahaa shaqaale, waxaana loo gudbiyay degmada Caluula ee gobolka Raascasayr, halkaas oo la sheegay in lagu marin doono habraacyada sharciga ah ee quseeya kalluumaysiga sharci-darrada ah.
Kalluumeysatada Puntland ayaa inta badan ka cowda maraakiib iyo doonyo shisheeyaha oo jariifa xeebaha, kuwaas oo ay ku jiraan kuwo ay shatiyo siisay dowladda.
PUNTLAND POST