
Booliska Puntland ayaa shaaciyay in ay gacanta ku dhigeen Mowliid Siciid Warsame (Dhakhare) oo lagu eedeynayo in uu maalintii axadda saddex qof ku dilay, saddex kalana ku dhaawacay magaalada Garoowe.
Qoraal goordhaweyd ka soo baxay Booliska ayaa lagu yiri “Ciidanka Booliska Puntland, gaar ahaan Taliska Qaybta Booliska Gobolka Nugaal, ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Mowliid Siciid Warsame (Dhakhare), kaas oo loo haysto in uu ku lug lahaa fal dil ah oo ka dhacay magaalada Garoowe”.
“Falka ayaa dhacay 11-kii Oktoobar 2026, agagaarka suuqa Inji ee Garoowe, waxaana ku dhintay saddex qof, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen” ayaa la raaciyay.
Eedaysanaha ayaa lagu soo qabtay howlgal ay iska kaashadeen talisyada qaybaha Booliska gobollada Nugaal iyo Sool, kaas oo ka dhacay deegaanka Jidhaan, oo u dhow Carooley oo ka tirsan gobolka Sool.
Ciidanka Booliska Puntland waxay sheegeen in eedaysanaha loo gudbin doono hay’adaha sharciga, si kiiskiisa loogu qaado habraacyada sharciga iyo garsoorka dalka.
PUNTLAND POST