Booliska Puntland oo saaray digniin la xiriirta roobabka Dayrta

Ciidamada Booliska Puntland gaar ahaan Laanta Ilaalada Waddooyinka, ayaa ka digay khataraha ka dhalan kara safarrada waddooyinka waaweyn xilliga roobabka Dayrta.

Booliska Puntland wuxuu darawallada gaadiidka iyo dhammaan dadka isticmaala waddooyinka ugu baaqay in ay ka taxaddaraan togagga, biyo-mareennada iyo buundooyinka, maadaama roobabka iyo qulqulka biyuhu ay halis gelin karaan nolosha darawallada, rakaabka iyo hantidooda.

Wuxuu shacabka kula taliyay in aan la isku dayin gudbidda togagga ay biyuhu marayaan iyo in la yareeyo xawaaraha, lana ilaaliyo masaafada badbaadada.

Booliska Puntland wuxuu sheegay in ay muhiim tahay in la raaco talooyinka iyo awaamiirta laamaha amniga waddooyinka oo aan la iska dhaga tirin.

PUNTLAND POST