
Boqolaal askari ah oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo dhawaan Itoobiya qabatay xilli ay fasax ku joogeen gudaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa loo qaaday magaalada Addis Ababa.
Askartan oo gaaraysa 220, islamarkaana muddo lagu hayay xerada Garab Case ee ku taalla magaalada Jigjiga ayaa shalay milatariga Itoobiya basas ugu qaaday magaalada Addis Ababa.
Ciidankan wuxuu ka mid ahaa ciidan bishii Agoosto uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud tababar ugu soo xiray deeggaanka Xananbuure oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadlin ciidankeeda ay qabatay Itoobiya, xilli ay fasax ku joogeen deegaano ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida.
Itoobiya waxay aaminsan tahay in ay ciidankan tababartay dowladda Masar, islamarkaana ay u socdeen deegaannada maamulka Jubaland, sida laga soo xigtay saraakiil amni oo ka tirsan dowladda Abiy Axmed.
Xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa hadda ah mid aan wanaagsanayn, iyada xukuumadda Abiy Axmed ay dhawaan sheegtay in uu khayaameeyay madaxweyne Xasan Sheekh oo la saftay dalalka Masar iyo Eleteriya.
PUNTLAND POST