Golaha Mustaqbalka oo war ka soo saaray xiisadda ka taagan guriga Sheekh Shariif

Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ee ku mideysan yihiin Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta ee Muqdisho ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in ciidamo la dul dhigay guriga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweyne hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Golaha Mustaqbalka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu ku socdo waddo in uu ku banaysanayo dhiiga dadka ka aragtida duwan, halkii laga sugayay in uu dalka u jiheeyo wadahadallo dhab ah oo laga galo sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho heshiis lagu yahay.

Golahu wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara ciidamada la dul dhigay guriga madaxweyne hore Sheekh Shariif, iyaga oo sheegay in mas’uuliyadda arrintaas uu qaadayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka wuxuu ugu baaqay madaxweynaha in uu joojiyo tallaabooyinka horseedi kara isku dhaca, islamarkaana u jeensado heshiis laga gaaro doorashooyinka dalka.

PUNTLAND POST