
Ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta kulan la qaatay qunsulka Itoobiya u qaabilsan Puntland Gen. Tagesse Lambamo Dimbore iyo saraakiil kale oo ka tirsan qunsuliyadda.
Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta xiriirka Puntland iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinacyada amniga, ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha.
Hadal qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu yiri “Ku-Simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Qunsulka Guud ee Dalka Itoobiya u qaabilsan Dowladda Puntland, Mudane Sarreeye Guuto Tagesse Lambamo Dimbore, iyo saraakiil kale oo ka tirsan Qunsuliyadda”.
“Kulanka ayaa looga wada hadlay xiriirka Puntland iyo Itoobiya, iyo xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga, ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta xiriirka wada-shaqayneed ee labada dhinac” ayaa la raaciyay.
PUNTLAND POST