
Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar oo ah ku-simaha madaxweynaha ayaa maanta guddoomiyey shirka ay magaalada Kismaayo ku yeesheen golaha wasiirrada Jubbaland, kaas oo lagu ansixiyey miisaaniyadda sannadka 2027.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Jubbaland ayaa golaha la wadaagtay warbixin ku saabsan miisaaniyadda, iyadoo sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay 2.42%, halka wadarta guud ee miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2027 ay dhan tahay $60,886,783.86.
Waxaa miisaaniyadda sannadka 2027 si gaar ah diiradda loogu saaray qorsheynta maaliyadda dowladda iyo mudnaanta howlaha la qorsheeyey in la fuliyo sannadka soo socda.
Miisaaniyaddan ayaa la sheegay in ay saldhig u noqonayso maareynta dakhliga, qorsheynta & habaynta kharashaadka dowladda, iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee mudnaanta u leh bulshada Jubbaland.
PUNTLAND POST