
Roobab lagu diirsaday oo da’siimo ahaan kala duwan ayaa ka da’ay Puntland, gaar ahaan deegaano ka tirsan gobollada Nugaal iyo Mudug.
Roobabka ayaa da’ay 48 saac ee la soo dhaafay, kuwaas oo qaarkood ahaayeen kuwa biyo dhig ah, halka kuwana ahaayeen qaboojin.
Caasimadda Puntland iyo deegaano kale oo ka tirsan degmada Garoowe ayaa saaka waxaa qabtay roobab isugu jira biyo dhig iyo qaboojin.
Sidoo kale deegaaano ka tirsan degmooyinka Buurtinle, Xarfo, Gaalkacyo, Jariiban, Buursaalax iyo Galdogob ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay qabtay roobab lagu diiraday.
Guud ahaan deegaannada Puntland waxaa ka cusub cirka, waxaana saadaashu sheegaysaa roobab saacadaha iyo maalmaha soo socda da’aya.
PUNTLAND POST