
Puntland ayaa u hambalyeysay Sagal Cabdiweli Maxamuud oo ah gabar Soomaali ah oo loo doortay xubin ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo hore isaga casilay ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Sir Keir Starm.
Ku-simaha madaxweynaha Puntland ahna madaxweyne ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa xildhibaan Sagal Cabdiweli Maxamuud, oo loo doortay xubin ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska, iyadoo ku guuleysatay kursigii uu baneeyay Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalkaasi Sir Keir Starme”.
“Guushan taariikhiga ahi waa sharaf iyo dhiirrigelin weyn oo u soo hoyatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Ingiriiska, waxayna bog cusub u furtay matalaadda Soomaalida” ayuu raaciyay.
“Waxaan u rajaynayaa xildhibaan Sagal guul, horumar iyo hoggaan hufan, iyo inay door muhiim ah ka qaadato adeegga bulshada ay matasho, gaar ahaan xoojinta wadajirka iyo isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed iyo bulshada kale ee ay la nool yihiin dalka Ingiriiska” ayuu ku soo gabagabeeyay.
Xildhibaan Sagal waxaa laga soo doortay deegaanka Holborn and St Pancras ee waqooyiga magaalada London, iyada oo ka soo baxday xisbiga Shaqaalaha dalka Ingiriiska ee hoggaamiyo Andy Burnham.
PUNTLAND POST