
Deegaanka Buqdharkayn oo ka tirsan gobolka Togdheer waxaa maanta ka dhacay dagaal sababay khasaare isu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dagaalka ayaa markii hore dhexmaray xoolo dhaqato ka soo kala jeeda Waqooyi Bari iyo Somaliland, balse waxaa markii dambe ka qaybqaatay ciidamo ka kala tirsan labada maamul.
Ilaa 5 qof oo dhimasho ah ayaa la xaqiijiyay in uu sababay dagaalka, kuwaas oo kala tirsan labada dhinac, sidoo kale waxaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen dad gaaraya 10 qof.
Maamullada Somaliland iyo Waqooyi Bari ayaa weli ka hadlin dagaalka ka dhacay deegaanka Buqdharkayn oo marar badan ay ka dhaceen shaqaaqooyin u dhaxaysa xoolo dhaqato.
PUNTLAND POST