Puntland oo ka hadashay dhul loo seereeyay garoonka diyaaradaha Garoowe

Dowladda Hoose ee degmada Garoowe ayaa sheegtay in ay soo gabagabaysay xaqiijinta iyo calaamadinta xadka seeraha dhulka garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir.

Dowladda Hoose ayaa hadalkan ku dhawaaqday xilli qaar ka mid ah beeraleyda deeganka Jibagalle ay cabasho xoogan ka muujiyeen calaamadinta dhulka loo seereeyay oo garoonka Garoowe oo ay sheegeen in uu saameeyay.

“Waxaa la soo gabagabeeyay shaqada xaqiijinta iyo calaamadinta xadka seeraha dhulka garoonka diyaaradaha si loo caddeeyo loona ilaaliyo xuduudaha dhulka garoonka” ayaa lagu yiri hadal qoraal ka oo ka soo baxay Dowladda Hoose ee Garoowe.

Puntland ayaa sanadkii 2019 heshiis is-afgarad oo la sheegay in lagu horumarinayo garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee Garoowe la gashay shirkad ajnabi ah oo lagu magacaabo Frontier Services Group.

Balse tan iyo xilligaas waxaa maamulaysay garoonka shirkad maxali ah oo lagu eedeeyo in aysan wax shaqo ah ka qaban, sida ay hore u sheegtay wasaaradda garoomada Puntland.

PUNTLAND POST