
Ciidamo taabacsan madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa maanta la wareegay gacan ku haynta degmada Qansaxdheere ee gobolka Bay, taas oo qiyaastii 90-km u jirta magaalada Baydhabo.
Wararka ayaa sheegaya in ciidankii halkaas ku sugnaa ay qaar isu dhiibeen ciidamada Laftagareen, halka kuwo kalena la sheegay in ay gudaha u galeen xero ciidamada Itoobiya halkaas ku leeyihiin.
Xasan Cabdiqaadir Maxamed oo amniga ugu magaaban Laftagareen ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa si buuxda ula wareegay degmada Qansaxdheere, waxaana magaalada si diirran noogu soo dhoweeyey shacabka degmada”.
La wareegista degmada Qansaxdheere ayaa ka dhigan in Aadan Madoobe uu wajahayo culeys siyaasadeed iyo mid amniga oo xilligan ka taagan deegaannada maamulka Koofur Galbeed.
PUNTLAND POST