Muxuu Nuuradiin Faarax ugu guulaysan la’yahay abaalmarinta Nobel ee Suugaanta?

Nuuradiin Faarax waxaa hor taagan qoraallo u keeney eedeynta inuu siyaasado u ololeeyay.

Stockholm (Wararka PP) — Nuuradiin Faarax wuxuu muddo dheer sugayaa in Guddiga Bixinta Abaalmarinta Nobel uu telefoon hambalyayn ah u soo diro isaga. Berri ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo abaalmarinta Nobel ee Sugaanta (Nobel Prize in Literature).

Nuuradiin Faarax waxaa muddo dheer hor taagan qoraallo uu ku muujiyay dareen qarannimoddoon (nationalism). Waxaa dareenka noocaas ah uu caqabad ku noqday Chinua Achebe, qoraagii Nayjeeeriya u dhashay, ahaana tafaftirihii asaasay African Writers Series, oo ah taxanaha uu buuggii kowaad ee Nuuradiin, From a Crooked Rib, ku soo baxay sanadkii 1969kii.

Nuuradiin wuxu sheekooyinka gaaban ku soo qori jiray wargeyskii Somali News (1965-1969). Sheekooyinka uu qoray waxaa ka mid ahaa why Dead So Soon? Iyo The Swine. Waxaa ka mid ahayd sheeko ku saabsanayd gabar ilko casayd (dabar lahayd) iyo inay jirto si loo kala garto dabarka gabar Bakool ka timid iyo gabar Gaalkaacyo ka timid. Sida uu af Ingiriis ugu ereyeeyay dabar waxay ahayd sidan: “a reddish bad across the teeth.”

Sanadkii 1966kii ayuu deeq waxbarasho ka helay Hindiya. Somali News ayaa u hambalyeey Nuuradiin oo naanaystiisu ahayd Nuurre.

57 sano ayuu Nuuradiin wadaa qorista sheekooyika. Wuxuu ka qoray ka badan 12 qiso iyo hal buug oo ku saabsan tacabbirka/tahriibka Soomaalida kaddib burburkii 1991kii, waa buugga Yesterday Tomorrow.

Taariikhyahankii Siciid Sheekh Samatar ayaa mar ku dhaliilay Nuuradiin inuu mararka qaarkood bixiyo sawirro aan ka tarjumaynin dhabta dhaqanka Soomaalida.

Waa yaab in 40 sano ka hor Nuuradiin qisooyinka uu qoray ay caan ka dhex ahaayeen Soomaalida af Ingriiska ku hadasha, laakiin hadda sidaas ma aha. Dadka ajnabiga ah ayaa aad u akhrista buugagga uu Nuuradiin qoro.

© Puntland Post, 2026