Garoowe (Faallo PP) — Dad badani waxa ay isa su’aalaan sababta Geed Fadhi u noqotay madasha waraysiyada siyaasadda Soomaaliya ugu caansan uguna hadal-haynta badan.
Labada soo-jeediye, Cabdikariin Cali Kaar iyo Cabdi Nuur, waxay ka soo shaqeeyeen Villa Somalia. Waxa waraysiyadooda ka dhigay kuwo aad loo xiiseeyo waa xog-ogaalnimadooda iyo sida ay waqti u siiyaan qofka la waraysanayo inuu ka hadlo xusuustiisa ama dhiibto ra’yigiisa.
Hanoolaato, oo uu maamulo Ayaanle Xuseen, waxay hoos ugu dhacday sababo dhowr ah oo ay ka mid yihiin: 1- Sida Ayaanle uu wax ugu dhex darsado hadalka qofka uu waraysanayo, 2- sida uu iskugu dayo inuu hago qofka la waraysanayo. Hadduu Ayaanle ku waraysan rabo, ka sii afeefo inaadan ka jawaabaynin su’aalo xambaarsan farriimmo uu isagu leeyahay.

Waa wax laga xumaado in Cabdi Nuur bog ka soo jeexday buugga Hanoolaato, markuu isku dayay inuu hadal afka u geliyo Danjire Salaad Cali Jeelle oo ka warramayay dagaal 2007 ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray xoogaggii Muqaawimada iyo ciidammadii Itoobiya oo taageerayay dowladda federaalka. “Habargidir dheh” ayuu Cabdi Nuur ku yiri Salaad. Salaad wuxuu sheegay in dadka barakcay ay u badnaayeen beesha Abgaal iyo in Shariif Sheekh Axmed hoggaaminayay Muqaawamada (wax iska caabbinta).
Daawashada waraysiga Geed Fadhi la yeelatay Salaad Cali Jeelle wuu ka badan yahay lix jeer lix fiidiyow oo Hanoolaato ah 12kii maalmood ugu dambeeyay. Waraysiyada Geed Fadhi badankood waxay abuuraan doodo iyo sixitaan, waxayna noqon karaa tixraac taariikheed.
Cabdi Nuur wuxuu sameeyay ilduuf la mid ah kii uu Cabdulqaadir Oromo sameeyey markii uu qoray buug cinwaankiisu yahay Taangiga Tigreega. Dad badan oo ka soo horjeeday maamulkii Cabdullaahi Yuusuf waxay aamminsanaayeen in Tigree uu soo weeraray Soomaaliya. Wixii gaboodfal oo dhacay uma haystaan Itoobiya. Waxay aamminsan yihiin in Habargidir iyo Tigree ku dhex dagaallameen Muqdisho.

Waxaa xusid mudan in Ahlu Sunna Wal Jamaaca ahaa urur Itoobiya ay samaysay. Jeneraal Maxamed Nuur Galaal, oo 2009kii difaacayay sababta uu u taageersanaa urur Itoobiya taageerto, wuxuu ku jawaabay: “Dagaalkii Labaad ee Adduunka, Ruush iyo Maraykan oo kala mabda’ ah ayaa isla jiray oo ka horjeeday Hitler.”
Haddii doodda Cabdi Nuur iyo Cabdulqaadir Oromo la qaato, waxay noqonaysaa in ururkii Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS) uu ahaa urur beeleed markii dambe la heshiiyay Itoobiya si xukunka looga tuuro Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Danjire Salaad Cali Jeelle wuxuu sheegay in Galbeedka oo ammaan iyo bogaadin laga raadsado adigoo wada dagaal diimeed ay yihiin labo aan la isgali karin.
Kooxihii 20 sano ka hor abaabulay dagaallada diimeed weli ka socda Soomaaliya waxaa ka mid ahaa koox diinta ku gaaraysay ujeeddooyin siyaasadeed sida ka muuqata marka ay abtirsiinyo beeleed siinayaan dagaalladii Muqdisho ka dhacay 2007-2009, ka hor inta aysan ciidammada Itoobiya ka bixin Soomaaliya billowgii 2009kii.
© Puntland Post, 2026