
Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen kaga hadlay badmaaxiintii ay dishay kooxdii Burcad-badeedda ee haysatay markabka Honour 25.
Puntland waxay sheegtay in kooxda Burcad-badeedda ah ay saaka aroortii hore dishay shan ka mid ah shaqaalaha markabka, kuwaas oo 3 kamid ah ay u dhasheen dalka Pakistan, labada kalana ay u kala dhasheen dalalka Myanmar iyo Hindiya.
Sidoo kale Puntland waxay tilmaantay in Burcad-badeedda ay dhaawacday afar shaqaale ah, kuwaas oo saddex kamid ah ay u dhasheen Pakistan, halka kan kalana uu u dhashay dalka Hindiya.
Ciidamada PMPF waxay xusteen in ay gacanta ku dhigeen 16 kamid ah Burcad-badeeddii haysatay markabka, halka tiro kale oo baxsatay ay weli ku raad-joogaan.

PUNTLAND POST