Puntland oo faahfaahin ka bixisay howlgalka ay ku furatay markabka SIBU 1

Puntland ayaa shaacisay in mid ka mid ah kooxdii Burcad-badeedda ee haystay markabka SIBU 1, la dilay afar kalana la dhaawacay, islamarkaana la qabtay 15 xubnood.

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in dhankeeda uu ka dhaawacmay hal askari, iyada oo xustay in la xaqiijiyay badqabka shaqaalaha iyo hantidii saarnayd markabka.

Howlgalka oo ka dhacay xeebaha gobolka Mudug waxaa fuliyay ciidamada badda Puntland ee PMPF, kuwaas oo maalmihii u dambeeyay waday howlgal ka dhan ah Burcad-badeedda.

Markabka SIBU 1 oo ah kuwa shidaalka qaada waxaa 20-kii bishii la soo dhaafay ee Agoosto laga soo afduubtay xeebaha dalka Yemen, wuxuuna ku gooshayay calanka dalka Eleteriya.

PUNTLAND POST