Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay madaxweynaha Serbia

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Belgrade ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha dalka Serbia,  Aleksandar Vučić.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in labada madaxwayne ka wada hadleen xiriirka Soomaaliya & Serbia iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga.

“Labada madaxweyne ayaa kulankooda diiradda ku saaray xoojinta xiriirka soo  Soomaaliya iyo Serbia iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo maalgashiga, iyaga oo adkeeyey muhiimadda xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shirka dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka furmay magaalada Belgrade ee dalka Serbia.

PUNTLAND POST