Puntland oo soo saartay habraac la xiriira fasaxa mas’uuliyiinta heer degmo iyo heer gobol

Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa fartay guddoomiye kasta oo degmo in uu fasaxiisa ogaysiiso guddoomiyaha gobolka ka hor inta aanu ka bixin degmada uu mas’uulka ka yahay.

Sidoo kale isuduwayaasha gobollada ayaa la faray in aysan dalka ka bixi karin, iyaga oo aan fasax ka haysan guddoomiyaha gobolka.

Sidaas si la mid waxaa xogahaye kasta oo degmo la faray in uu fasax weydiisto duqa degmadiisa inta uusan dalka ka bixin.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay tallaabada maamul iyo mid sharci oo ku habboon ka qaadi doono mas’uul kasta oo jabiya habraacan.

Dhanka wasaaradda waxay mamnuucday in kalfadhiga golaha deegaanka dib loo dhigo laba jeer oo isku xigta, haddii aysan jirin sabab sharci ah oo la aqbali karo.

Waxay sheegtay in gole kasta oo deegaan ay luminayaan xasaanadda, haddii kalfadhigooda u qabsoomi waayo laba jeer oo isku xigta bilaa sabab.

PUNTLAND POST