Wasiir Cali Xoosh oo mooshin laga keenay

Qaar ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in ay mooshin xil-ka-qaadis ah ka gudbiyeen Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Cali Yuusuf Cali (Xoosh).

Xildhibaanadu waxay ku eedeeyeen wasiirka in uu beddelay odayaashii dhaqanka ee rasmiga ahaa, islamarkaana uu magacaabay kuwo cusub, waxa kale oo ay ku eedeeyeen xil-gudasho la’aan.

xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo u hadlay mudanayaasha mooshinka keenay wuxuu tiradooda ku sheegay 60 xildhibaan, isaga oo xusay in uu qabtay guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

Mooshinka laga keenay mid ka mid ah Golaha Wasiirrada ee Ra’iisul Wasaare Xamse, wuxuu yimid xilli dhawaan guddoomiyaha Golaha Shacabka loo doortay Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.

PUNTLAND POST