Booliska Puntland oo qabtay dad lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha iyo hub sharci-darro ah

Taliska Qaybta Booliska gobolka Bari ayaa sheegay in uu xalay magaalada Boosaaso ka fuliyay howlgal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday shabakad lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha xashiishka iyo hub sharci-darro ah.

Howlgalkan oo laga sameeyay xaafadaha Laanta-Hawada iyo Xaafatu-Carab ayaa la xusay in lagu soo qabtay xubno ka tirsan shabakadda, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay shixnado xashiish ah, qori AK-47 ah iyo bambooyin gacanta laga tuuro.

Dadka la qabtay ayaa la sheegay in lagu tuhunsan yahay in ay doorar kala duwan ku lahaayeen kaydinta, qaybinta iyo iibinta maandooriyaha, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinayo kiiska.

Ciidanka Booliska gobolka Bari wuxuu tilmaamay inuu sii wadi doono la-dagaallanka maandooriyaha iyo hubka sharci-darrada ah, iyadoo eedaysanayaasha loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda.

PUNTLAND POST