
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray magaalada Belgrade ee dalka Serbia, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda dalkaas.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qayb ka ah madax ka socota dowlaha caalamka, kuwaasi oo lagu casuumay ka qayb galka shir lagu xusayo 65-guurada shirkii koowaad ee dhaqdhaqaaqa dalalka aan isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement), kaasi oo lagu qabtay magaalada Belgrade sannadkii 1961-kii.
Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Serbia waxaa la sheegay in uu kulan la qaadan doonaa dhiggiisa dalkaasi, Aleksandar Vučić, iyaga oo ka wada hadli doona xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada siyaasadda iyo danaha labo geesoodka ah ee labada waddan.
PUNTLAND POST