
Garoowe (Faallo ) — Dhowaan Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Camey, Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ee Puntland, wuxuu wariye Nayroobi jooga u sheegay in beesha Daarood ay hibo u leedahay inay maamul wanaag kaga taliso Soomaaliya. Wuxuu sheegay in Ingiriisku uu sidaas qoray iyo in xogtaas “laga heli karo Jaamacadda Oxford”. Sheekadiisu waxay i soo xusuusay sheekadii “Daarood Ismaaciil iyo Suur Ismaaciil waa walaalo”. Nasiib-wanaag, Dr Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa, mar uu la hadlayay arday Boosaaso jaamacad ka dhigata, su’aalay inay is waafajin karaan “Xatsabshuut (Hatshepsut) timid dhulkan Puntland” iyo “waxaannu ka soo farcannay oday Daarood oo muddo ka yar 1300 sano ka hor ka soo degay doon timid meel aan Boosaaso ka fogeyn.” Ardayda lama su’aalin wax ku saabsan wax markaan yaraa la ii sheegi jiray: jeenigii oday Daarood doonta lala soo saaray si uu cuno inta doontu badda sabbaynaysay laakiin hilib yeelanay marka kasta oo Oday Daarood wada feento lafta.” Muddo ayaan Xaafid Al Asad tolaysanayay!
Isku dayga ku awr-kacsiga magaca beesha Daarood

Maalmahan magaca Daarood waxaa doonaya inay ku adeegtaan kooxo aan la soconin sida ay u soo fashilmeen dhammaan siyaasiyiintii isku dayay inay magaca Daarood ku awr-kacsadaan laga billaabo dhammaadii Kontomaadkii qarnigii hore markii uu Xaaji Muuse Boqor ku hungooboay inuu colaad hayb Daarood ku salaysan ku abbaabulo Ra’iisal Wasaare Cabdullaahi Ciise. Xaaji Diiriye ayuu ahaa qofkii runta u sheegay Muus Boqor. Xaajigu candhuftiisii ayuu dib u liqay. Waxaa jira hoggaamiye dhaqameed la aqoonsan yahay ee beesha Daarood (Boqor Burhaan) oo magaciisa iyo xilkiisa aan lagu adeegan karin.
Siyaasiyiinta ku abtirsan jiray Daarood markay noolaayeen waxay u qaybsanaayeen labo qeybood, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda dhulka hadda loo yaqaanno Puntland. Qeyb aamminsanayd in Soomaalidu isla leeyihiin Soomaaliya oo aysan jirin beel xuquuq gaar ah oo hoggaamineed leh. Kooxdan waxaa ka mid ahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, Yuusuf Cimsaan Samatar (Bardacad), Cabdicasiis Nuur Xirsi iyo Maxamed Abshir Muuse. Kooxda labaad waxaa ka mid ahaa Xaaji Muuse Boqor iyo Yaasiin Nuur Xassan (Bidde). Cabdirashiid Cali Sharmaarke kama mid ahayn kooxda labaad laakiiin wuxuu u nuglaa aydiyoolajiyaddooda marka la eego sida maamulkisii ugu soo dedejiyay soo afjarankii tijaabadii barlamaan dimuqraaddi ku salaysan oo uu Madaxweyne Aadan Cabdulle Cismaan horseeday (1960-1967).

Cabdixakiin Camey, maadaama uu xiganayo qoraallo u xasuusto, waxay u badan tahay inuu ka soo loox-jiitay Bare-sare Cabdi Kuusow (Professor Abdi Kusow), oo maaddada barashada bulshada (sociology) ka dhiga Iowa State University. Kuusow wuxuu sanadkii 1994 qoray maqaal uu ku soo bandhigay dood ku saabsan wax uu ku tilmaamay sida Daarood Soomaaliya u maamulayay. Maqaalka cinwaankiisu wuxuu ahaa The Genesis of the Somali Civil War: A New Perspctve (Billowgii Dagaalka Sokeeye ee Soomaaliya: Daymo Cusub), Cabdi Kuusow wuxuu ku dooday in “Daarood ahaa oo yahay awoodda siyaasadda ugu weyn Soomaaliya tan iyo markii gobannimada la qaatay.” Wuxuu kale oo Kuusow qoray in afka dadka ugu badan Soomaaliya ay ku hadlaan uu ka soo jeedo Waqooyi yahayna af Daarood.”

Xitaa I. M. Lewis, oo uu Dr Kuusow u yaqaano nin dhegeystay beelo gaar ah kaddibna qoray qoraallo beelahaas lagu ammaanayo, ma soo bandhigin doodo sidaas ruta uga fog. Miyuu Cabdixakiin Camey tagay Maktabadda Bodleian ee Jaamacadda Oxford, kaddibna akhristay warqadda Kuusow uu qoray 32 sano ka hor?
“Daarood Midoobay Allahayow”
Markii uu socday dagaalkii sokeeye billowgii 1991kii, Maxamed Abshir Muuse, oo ahaa Ra’iisal Wasaare ku Xigeenkii Dowladdii ku meelgaarka, ayaa tagay Kismaayo. Wuxuu ku baaqay in lala heshiiyo dowladda. Sarkaal SSDF ka tirsanaan jiray oo USC ay isaga iyo ciidammadiisu u oggolaatay inuu soo dhexmaro, ayaa ka mid ahaa dadkii ku gacan-seyray Maxamed Abshir. Sarkaalku wuxuu ku guddoodiyay inuu Xamar qabsan karo maadaama ay USC jabhad tahay isaguna sheegtay inuu yiqiin “jabhadaynta”.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa isagana yimid Kismaayo oo ku baaqay in nabad lala qaato dowladda. Ka hor intaysan labada siyaasi imaanin Kismaayo, waxaa magaalada ku faaftay aragti ay beereen rag dowladdii kacaanka ka tirsanaa oo doonyo uga sii qaxayay Kismaayo, markii dambena Nayroobi saldhig ka dhigtay. Heestii “Daarood Midoobay Allahayow’ ayaa la qaadayay. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid ahaa dadkii u qaxay Libooyo; Maxamed Abshir Musue wuxuu ku haray Kismaayo. Jeneraal Caydiid, oo hoggaaminayay ciidankii USC oo qabsaday Kismaayo, ayaa xiray Maxamed Abshir oo ku dooday inuu ahaa hoggaamiyihii SSDF. Jeneraal Caydiid wuxuu sheegay in Maxamed Abshir la maxkamadeeyay. Waa mid ka mid ah sababaha sii weyneeyay ismaandhaafkii u dhexeeyay Madaxweyne Cali Mahdi iyo Jeneraal Caydiid.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa lagu xusuustaa in, markii uu ka soo tagay Libooyo, soona gaaray Nayroobi, isagoo ka jawaabayay su’aal ay Laanta Af Soomaaliga ee BBC weyddiisay kuna saabsanayd nabadeyntii uu waday, uu yiri: “ Dadkii nabadda diiday maanta nabad way qaadan lahaayeen.” Markaas kaddib ayuu si rasmi u billowday wadahadalladii dowladdii ku meelgaarka xilligaas iyo garabkii cusbaa ee garwadeenka ka ahaa siyaasadda beesha Daarood oo ay si wadajir ah u hoggaaminayeen Maxamed Abshir Muuse iyo Cabdirisaaq Xaaji Xuseen. Kooxdii doonaysay inay ku maxaafsadaan magaca Daarood hawada ayay ka bexeen. Ilaa hadda kuma soo noqonin.
© Puntland Post, 2026