
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Boosaaso ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo hoggaaminayay Taliyaha Howlgalada gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel James Rose.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta xiriirka iyo wada-shaqaynta Puntland iyo dowladda Maraykanka, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada iyo sugidda amniga badaha.
Sidoo kale kulanka waxaa looga hadlay dardargelinta dhismaha saldhigga Maraykanka ee magaalada Boosaaso, iskaashiga hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Daacish iyo Al-shabaab ee ku dhuumalaysanaysa buuraleyda Calmiskaad iyo Calmadow, la-dagaalanka Burcad-badeedda, iyo horumarinta tababarrada ciidamada difaaca Puntland.
Madaxweynaha Puntland waxaa kulanka kala qaybgalay xubno ka tirsan golaha xukuumaddiisa, la-taliyeyaal madaxweyne, agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland iyo saraakiil ciidan.









PUNTLAND POST