
Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa saaka booqasho ku tegay qaybta sifaynta kelyaha ee isbitaalka guud ee Hargeysa, halkaas oo lagu soo kordhiyey 12 mishiin oo cusub oo loogu talagalay adeegga sifaynta kelyaha.
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay si dhab ah uga jawaabtay dareenkii iyo cabashooyinkii bukaannada kelyaha, isagoo xusay in daryeelka bukaannada iyo horumarinta adeegyada sifaynta kelyaha la siin doono mudnaan gaar ah.
Bukaanada kelyaha isbitaalka Hargeysa ayaa dhawaan cabasho xoogan ka muujiyay adeega sifeynta kelyaha oo ahaa mid yar.
Kordhinta 12-ka mishiin ee cusub waxa ay qayb ka tahay fulinta ballanqaad uu dhawaan bixiyay madaxweynaha Somaliland, kaas oo ku sheegay in la horumariyo adeegyada sifaynta kelyaha ee isbitaallada Somaliland.
PUNTLAND POST