
Kooxdii Burcad-badeedda ee haysatay markabka Lutuf ee Turkiga u rarnaa ayaa maanta siidaayay, iyaga oo ka degay xeebta deegaanka Jiifle degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in kooxda Burcad-badeedda ah qaadatay lacag madax-furasho ah oo gaaraysa hal milyan iyo siddeed boqol oo kun oo doolar, taas oo berriga loo soo mariyay.
Burcad-badeedda iyo Turkiga ayaa waxaa dhexdhexaadiyay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha Cali Xoosh.
Kooxda Burcad-badeedda ee lacagta madaxfurashada ah qaatay ayaa weli haysta markabka MV Sward, kaas oo hadda ku xiran deegaanka Durdura ee gobolka Karkaar.
Puntland waxay hore uga digtay in Burcad-badeedda la siiyo lacago madaxfurasho ah, iyada oo sheegtay in taasi kobcinayso ama dhiirigelinayso falalka burcad-badeednimada.
PUNTLAND POST