
Labo qof ayaa ku dhintay, hal qofna waa ku dhaawacmay shil gaari oo maanta ka dhacay wadada cusub ee xiriirisa Ceeldaahir iyo Ceerigaabo, gaar ahaan deegaanka Cawsane ee gobolka Sanaag.
Shilka waa ku geeriyooday labo gabdhood oo yar yar oo walaalo ahaa, kuwaas oo lagu magacaabo jiray Bushro Maxamed Dheeg iyo Aamino Maxamed Dheeg.
Sidoo kale waxaa dhaawac soo gaaray aabihii dhalay Maxamed Dheeg, waxaana shilka sababay gaari Probox ah.
Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa soo badanayay shilalka gaadiidka ee ka dhaca deegaannada Puntland, kuwaas oo badankood loo aaneeyo khibrad yarida wadayaasha gaadiidka.
PUNTLAND POST