
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay shirkoodii todobaad laha ahaa ayaa ansixiyay labo heshiis oo dowladda la gashay dalka Muritaaniya, kuwaas oo kala ah wada-tashiyo siyaasadeed iyo iskaashiga barnaamijka tababbarka diblumaasiyadda.
Heshiisyadan waxaa la tilmaamay in ay mudnaan gaar ah siinayaan iskaashiga labada dowladood, gaar ahaan tababbarrada diblumaasiyiinta iyo wada-tashiyada arrimaha siyaasadda.
Dhanka kale shirka waxaa looga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha amniga iyo la dagaalanka argagixisada Al-shabaab.
Shirka Golaha Wasiirrada waxaa guddoomiyay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Saalax Axmed Jaamac, maadaama Ra’iisul Wasaare Xamse ku maqan yahay dalka Qatar.
PUNTLAND POST